Home Afsomali Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta madaxtooyada ee Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka madasha arimaha gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kale duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubaland warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo.

Dhawaana ayaa waxaa Kismaayo laga daah furi doonaa Shirka Madasha arimaha gargaarka oo lagaga hadli doono jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.