Haweeneyda saameynta weyn leh ee la dhalatay hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa mar kale maanta wacad ku martay inay baritaareyso isku day labaad oo lagu rido dayax gacmeedka basaaska, iyadoo ka careysiisay xubnihii qeybta ka ahaa shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee ku saabsanaa ka munaaqishoodka gantaalkii hore ee guul darreystay ee dowladda Kuuriyadda Waqooyi.
Isku daygii Kuuriyada Waqooyi ay ku doonaysay inay ku xoojiso dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee basaaska milatariga arbacadii la soo dhaafay, ayaa guul daraystay, markii uu gantaalkiisu ku dhacay meel ka baxsan xeebaha galbeed ee gacanka Kuuriya.
Shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la isugu yeeray, kaasoo ahaa codsi ka yimid Mareykanka, Japan iyo dalal kale, si loogga wada hadlo arrintan cusub ee soo korortay, maadaama ay jebisay dowladda Kuuriyadda Waqooyi go’aannada golaha, ee ka mamnuucaya Waqooyiga inay sameeyaan horumarin oo lagu kobcinayo oo loo isticmaalayo tiknoolajiyada ballistic.
Axaddii, Kim walaashii iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada haya, Kim Yo Jong, ayaa ku tilmaantay Golaha Qaramada Midoobay “xarun siyaasadeed” oo uu Mareykanku leeyahay, isagoo sheegay in shirkii ugu dambeeyay la qabtay, ka dib markii Mareykanka uu ka yimid “codsiga u eg mid burcaddeed