Home Afsomali Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo la kulmay Xildhibaano ka Tirsan...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo la kulmay Xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan wada tashi ah la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira.

“Waxaa sii wadi doonaa kulamada qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo uu Madaxweynahii  hore Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed uu  maalmahan la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa Magaalada Muqdisho ka wada Kulamo looga hadlayo xaalada siyaaasadeed ee dalka islamarkaana uu la qaadanayo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.