Home Afsomali Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte

Dekreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Xil ka qaadista ayaa lagu sheegay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Guddoomiyaha Xilka laga qaaaday  ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , ayaa Muddooyinkii dambe waxaa uu  horkacaayay ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa dib u xoreynta ee gobolka Hiiraan kuwaas oo daagaal kula jiray Alshabaab .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.