Home Afsomali Midowga Afrika oo sheegay inay bilaabeen dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya

Midowga Afrika oo sheegay inay bilaabeen dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah sheegay inay bilaabeen dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo la qorsheynayo in ugu dambeyntii ammaanka dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu bilaabay inuu sameeyo dhimis ciidan isagoo u hoggaansamaya ( Qaraarka Qaramada Midoobay) kaasoo faraya ATMIS inay dhinto 2,000 oo askari dhammaadka Juun 2023,” ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay howlgalka ATMIS.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ay walaac ka muujinayaan dhimista ATMIS. Waxay sheegeen Alshabaab inay weli khatar ku yihiin amniga dalka.

Bishii la soo dhaafay, 54 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.