Lataliyaha madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee dhanka xiriirka Caalamiga iyo isku duwaha Barnaamijyada Naasir Cige ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ayaa rajo badan ka qaba in dowladda Soomaaliya ay wax badan ka qaban karto dhibaatooyinka loogu geysto Koonfur Afrika oo ay ku haystaan dhaqaale aad u farabadan.
Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka xiriirka Caalamiga ah iyo Isku duwaha Barnaamijyada Naasir Cige ayaa ku bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika kartidooda iyo sida dulqaadka leh oo ay kaga shaqeystaan Koonfur Afrika, isagoona booqday qaar ka mid ah goobaha ganasiga ee Soomaalida dalkaas ku leeyihiin.
Gabagabadii dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo halkaasi u shaqo tagay ayaa la kulma beegsi uu ka mid yahay dil, dhaawac, dhac iyo boob ay kala kulmaan kooxo hubeysan oo u dhashay dalkaas.