Home Afsomali Guddoomiyaha Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa daahfuray ololaha bili soo...

Guddoomiyaha Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa daahfuray ololaha bili soo celinta iyo Nadaafada Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray ololaha bilic soo celinta iyo Nadaafada Caasimadda kaas oo ay si wadajir ah ugu qeyb galeen maamulka Gobolka Banaadir, Howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar Shirkadda Nadafada ifi iyo Maamulada Degmooyinka.
Daahfurkan ololahan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo howlahani nadaafadeed uu qeyb ka yahay u diyaar garowga Munaasabadaha isasaaran ee Maalmaha Xorriyadda iyo Ciidul Adxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.