Home Afsomali Wadooyinka magaalooyinka Ruushka ee xirnaa oo la furay

Wadooyinka magaalooyinka Ruushka ee xirnaa oo la furay

Marka laga soo tago wararka sheegaya in ciidamada Wagner ay ka baxeen koonfurta magaalada Rostov-on-Don, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidoo kale ku warramaysa in xannibaadaha waddooyinka la qaaday.

Horaantii, markii calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay u sii socdeen waqooyiga Moscow iyagoo ka yimid Rostov, mas’uuliyiinta Ruushka waxay xireen waddooyinka iyagoo isku dayaya inay joojiyaan socodkooda.

Hadda warbaahinta dowladda ee TASS ayaa sheegtay in dhammaan xannibaadaha waddooyinka laga qaaday magaalooyinka Rostov, Lipetsk iyo gobollada kale ee ay saarnayaan xanibaadaha socdaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.