Waxaa Maanta xiran Garoonka diyaradaha Ugaas khaliif ee Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib warqad xalay kaso baxday Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka hiiraan Cali jeyte Cismaan.
Muddo Afar Maalin ah ayuu amray Cali jeyte in wax diyaarad ah kasoo deign Garoonka magaalada Beledweyne marka laga reebo kuwa sida Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Jaadka.
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa Risaala u sheegay in Maanta wax diyaarada ah kasoo degin garoonka Ugaas Khaliif, isla markaana ay jiraan dad badan oo ku xayiran magaalada.
Dhinaca Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Ciidamada ATMIS ee ku sugan Beledweyne inay xaqiijiyaan amniga Garoonka diyaaradaha, in kastoo warkaas ayan weli kasoo jawaabin.