Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh Dowladdu sida Al-Shabaab ayay ula dagaalameysaa musuq maasuqa”

Madaxweyne Xasan Sheekh Dowladdu sida Al-Shabaab ayay ula dagaalameysaa musuq maasuqa”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Carafa ayaa dul istaagay caqabadaha curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed oo musuq-maasuqu ugu horreeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay heleyaan dowladnimo dhammeystiran, isku filnaan iyo nolol wanaagsan oo sharaf iyo karaamo leh markii la cirib-tiro musuqmaasuqa, waxa uuna wacad ku maray in dowladda ay si la mid ah Al-Shabaab  ula diriri doonto xatooyada xoolaha dadweynaha.

 

 

Wuxuu ugu baaqay Shacbaka Soomaaliyeed inay nabadda qaataan, isaga oo sheegay in dhiig daadanayo uusan wax xal ah ka imaaneyn, wuxuuna ugu baaqay dadka colaadda ay ka dhaxeyso inay is cafiyaan oo Alle cafis weeydiistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.