Home Afsomali Guddoomiye Madaale oo Shacabka Salaada Ciida kula dukaday Masjid kuyaalla Muqdisho

Guddoomiye Madaale oo Shacabka Salaada Ciida kula dukaday Masjid kuyaalla Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda salaada ciidda Carafo  kula tukaday Masjidka Jaamaca ee Degmada Shangaani.

Guddoomiyaha oo farxada Ciidul Carafa la qeybsanaayo Shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxa uu eebe ugu baryay in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo guteen, Asigoona kula dardaarmay in ay isku naxriistaan lana gar gaaro dadka danta yar.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed, ugu duceeyey in sanadkan midka xiga uu eebe ku gaarsiiyo, Nabad, Barwaaqo, Caafimaad iyo Midnimo. Isla markaana maalintaan weyn ee ciida carafo ay ku qaataan Farxad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.