Home Afsomali Dowlada maleysliya oo ciidamo nabad ilaalineyd Soomaaliya u direysa

Dowlada maleysliya oo ciidamo nabad ilaalineyd Soomaaliya u direysa

Dowladda Malaysia ayaa qayb yar oo kamid ah askarteeda waxay u diri-doontaa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shicibka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta.
Wasiirka difaacada Malaysia ayaa tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay Riyaad, dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.
Wasiirka difaaca Hishammuddin  wuxuu yiri, “Go’aanka ah inaan ciidamo u dirno Soomaaliya wuxuu yimid markaan la kulmay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.”
Wasiirku wuu sii hadlay, “Cumar wuxuu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”
Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.
Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.
Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, “Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130”.
Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.
Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya ayuu yiri wasiirka difaaca Malaysia.
Maxamed Jaamac Faarax

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.