Home Afsomali Bajaajle gabar ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay wax...

Bajaajle gabar ku dilay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay wax badan baa la dilaye markaan iyaga gabar dilay

https://youtu.be/UoPV3yMVhGo

\

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa gacabta ku dhigay nin shil  mooto bajaaj gabar ku dilay.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ciidamada qabteen nin dhallinyaro ah oo ku eedeesan in uu mooto bajaaj ku dilay gabar mareysay suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab.

Booliiska ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah hadda ku socdaan ninkan dilka ku geestay mootadii uu watay, waxa ayna xuseen in ninkan caddaaladda la horgeyn doono.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa marar badan gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay in dilal ka geesteen degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.