Home Afsomali Wararkii ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan duleedka Magaalada Laascaanood

Wararkii ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan duleedka Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka Magaaladaas .

Ciidamada Soomaalilaand iyo kuwa SSC ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ka bilaabay Fariisimaha ay isku horfadhiyaan ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Warar ayaa sheegaya in Ciidamada Soomaaliland ay soo gaareen Ciidamo Gurmad ah kuwaas oo ka qayb qaadanaayaa dagaalka Laascaanood .

Hase yeeshee ‘ dagaalkii 27kii bishan juun ka dhacay duleedyada Magaalada Laascaanood ee dhexmaray Ciidamada SSC iyo Ciidanka Militarigaa Soomaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac aah oo soo kala gaaray dhinacdada dagaalamaya

Magaalada laas-Caanood iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa weli ka jira Xiisaad  dagaal oo u dhexeysa Ciidamada Somaliland iyo kuwa xoogagga degaanka ee la magac baxay SSC, iyada oo aan weli xal loo helin dagaaladaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.