Home Afsomali Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa safar Muqdisho ku tagay

Gudoomiyaha Midowga Africa ayaa safar Muqdisho ku tagay

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah ay la socdaan wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat .

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortagay kuna soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ciidan.

Gudoomiyaha Midowga Afrika iyo xubnaha la socdo ayaa la filayaa in ay tagaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayna halkaasi kula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Masuuliyiin kale.

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.