Waxaa xarunta Qaramada Midoobay ka socda dood la xiriirta in la sameeyo waqti ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta ah ay kaga baxaan dalka Mali, iyadoo dowladda Bamako ay dooneyso in aan dib loo dhigin ka bixista ciidankaasi ee dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mali Abdoulaye Diop ayaa canbaareeyey waxa uu ugu yeeray guuldarrada howlgalka nabad-iaalinta QM, isaga oo fadhi ay lahaayeen Golaha Ammaanka si lama filaan ah uga jeediyay dalab ah in ciidamadaasi ay si degdeg ah uga baxaan Mali.
Horraantii June ayuu Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ka hadlay sii joogista ciidanka QM ee Mali, iyadoo ay guud ahaan gobolka sii kordhayaan cabsida ah inay sii kordhayaan khataraha ka imanaya kooxaha xagjirka ah haddii ay ciidanka QM baxaan.