Home Afsomali 48 qof oo ku dhintay galbeedka Kenya kadib markii…

48 qof oo ku dhintay galbeedka Kenya kadib markii…

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Londiani ee galbeedka Kenya fiidnimadii Jimcaha, kadib markii gaari xamuul ah oo siday konteenar shixnad ah uu waddada ka baxay kadibna uu ku jiiray dhowr baabuur, sida ay sheegeen booliska iyo goob-joogayaal.

Muuqaallo laga soo duubay shilkan oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah ayaa muujinayay burburka baabuurta iyo mootooyinka oo ay barbar socdeen bas yar iyo baabuur kuwa xamuulka ah oo burburay.

Taliyaha booliiska gobolka, Tom Odera ayaa sheegay in dhimashadu ay mareyso 48 fiidnimadii Jimcaha.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in gaarigan xamuulka ah uu jiiray in ka badan lix baabuur, islamarkaana uu dilay dad lugeynayay, waxayna intaas ku dartay in inka badan 20 dhaawac ah ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaallada deegaanka.

“Dalku waxa uu la murugeysan yahay qoysaskii eheladooda ku waayay shil bahalnimo oo ka dhacay magaalada Londiani,” ayuu madaxweynaha Kenya William Ruto kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee sannadihii lasoo dhaafay ka dhaca waddooyinka dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.