Nin dil uu geystay 40 sano ka hor isagoo isticmaalyey 13 magac talefishinadane sawirkiisa laga baafin jiray oo hada uun la soo qeybtay ma jirto heybtiisa lama yaqaan mareykanka Maamulka dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu geystay fal dil ah, kadib 40 sano oo uu ka dhuumaaleysanayay ciidamada ammaanka.
Booliiska ayaa sheegay in Donald Santini oo 65 jir ah lagu eedeeyay inuu isticmaalay 13 magac oo been abuur ah si uu uga baxsado sharciga kadib markii uu haweeney 33 jir ah ku dilay Florida sanadkii 1984-tii.
Waxaa la xiray isagoo ahaa madaxa guddiga biyaha ee degmo ku taal gobolka California.
Waxaa gacanta ku haya booliska Florida si uu u wajaho eedeymaha ka dhanka ah.
Waxaa lagu eedeeyay inuu dilay haweeney 33 jir ah xilligaasi.
Maamulka ayaa sheegay in Mr Santini uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee lala arko haweeneyda ka hor inta aan meydkeeda la helin iyadoo ku xiran meel biyo mareen ah.
Maamulka ayaa sheegay in uu ka baxsaday goobta kadib markii lagu eedeeyay dilka haweeneydaasi.
Sawiradiisa ayaa laga daawado telefiishanka qaranka isaga oo la baadi goobayay sanadihii 1990-kii, 2005-tii iyo 2013-kii.