Home Afsomali Rabshadihii ka socday France oo sii xoogeysanaya & Madaxweyne Macron oo.

Rabshadihii ka socday France oo sii xoogeysanaya & Madaxweyne Macron oo.

Faransiiska oo 45,000 oo boolis ah caawa geynaya goobaha ugu daran rabshadaha weli ka sii socda dalkaas ee ka dhashay wiil dhalinyaro ah oo Boolisku toogteen todobaadkii hore.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in ilaa 45,000 askari oo booliis ah la diri doono caawa taasoo la mid ah tiradii xalay.

Wuxuu xaqiijiyay in xoojin loo dirayo magaalooyinka Marseille iyo Lyon ka dib markii saraakiisha halkaas ku sugan ay codsadeen gargaar dheeri ah.

Ma cadda in xoojintaas ay ku kordhinayaan 45,000, ama haddii mas’uuliyiinta ay si fudud booliiska ugu rarayaan Marseille iyo Lyon meelo kale.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska.

Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah, waxaana lagu waday inay qaadato berri ilaa Talaadada.

Madaxtooyada Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa.

Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.