Home Afsomali Madaxweyne Afrikan ah oo ka hadlay Sixir saameyn ku yeeshay Ciyaartoyda Qarankiisa

Madaxweyne Afrikan ah oo ka hadlay Sixir saameyn ku yeeshay Ciyaartoyda Qarankiisa

Qaar kamid ah tababarayaasha iyo ciyaartoyda kasoo jeeda qaarada Afrika ayaa mararka qaar la sheegaa in ay adeegsadaan sixir, si ay guulo u gaaraan saameyna ugu yeeshaan kooxaha kasoo horjeeda.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in ciyaartoyda kubadda cagta ee dalkiisa saameyn xun ku yeeshay sixirka, waxa uuna ku baaqay in tallaabo deg deg ah laga qaado arrimaha saameynta xun ku yeeshay kubadda cagta dalka Rwanda.

Paul Kagame oo su’aalo la weediiyay ayaa sheegay in dadka qaar, gaar ahaan tababarayaasha ay ku dhaqmaan waxyaabo aan maangal ahayn sida sixirka, waxa uuna taasi tilmaamay in saameyn ku yeelatay horumarka kubadda cagta dalkiisa.

“Intii ay tababar ku filan qaadan lahaayeen ciyaartoyda, waxaad arkeysaa inay ku lug leeyihiin sixir iyo laaluush, taasoo ah waxa ugu horreeya ee u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri madaxweynaha Rwanda.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.