Home Afsomali Taliyaha Nabadsugida Kenya oo booqasho kuyimid Muqdisho

Taliyaha Nabadsugida Kenya oo booqasho kuyimid Muqdisho

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho booqasho ku yimid Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, waxaana soo dhaweeyay Taliyaha Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad.

Labada taliye ayaa lagu wadaa in ay yeeshay kulan gaar ah  oo ku saabsan xoojinta iskaashiga labada Sirdoon iyo dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab.

Kulankooda gaarka ah ayaa sidoo kale waxaa ay xooga ku saari doonaan muhiimadda ay leedahay kor u qaadista xiriirka is dhaafsiga xogaha labada sirdoon iyo  sida ay lagama maarmaan ka u tahay soo afjaristawaxa loogu yeero  aragagixisada ku sii baaheysa Geeska Afrika.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Kenya Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa horay u tegay Magaalada Kismaayo, isaga oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Hay’adaha Sirdoonka ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa xilligaan ka dhaxeeya wadashaqeyn buuxda, taas oo keentay in Sirdoonka Kenya ay dhawaan qabtaan ganacsade Soomaali ah oo Al-Shabaab u keeni jiray agabyada ciidanka iyo qalabka qaraxyada, waxaana la sheegay in uu yahay ninkii lahaa Konteenarro bishii May lagu qabtay Dekadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.