Home Afsomali Faah Faahino ka soo baaxaya Dab ka kacay Suuq ku yaala Magaalada...

Faah Faahino ka soo baaxaya Dab ka kacay Suuq ku yaala Magaalada Jig jiga

Dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa qayb ahaan la xakameeyay in kastoo aan weli lagu guulaysan demintiisa.

Dabka oo si xawli ah uga holcaya  suuqa Taywaan ayaa laga xakameeyay in uu ku faafo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya.

Ciidanka Dab-demiska caasimadda ee Jigjiga oo kaashanaya shacabka magaaladaasi  ayaa weli la tacaalaya deminta suuqaas oo ay ku baaba’day hanti fara badan.

Sidoo kale ‘waxa weli socda gurmadka ka imaanaya magaalooyinka ka baxsan Jigjiga si ay qayb uga noqdaan deminta dabka ka holcaya suuqa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dabka suuqa weynaha Taywan qabsaday oo weli lala tacaalayo ayaa sii fidiya, ilaa boqol meheradood oo gada badeecado kala duwan ayaa lagu soo warraayaa in ay basbeeleen, iyada oo lagana cabsi qabo in dabku ku fido xaafadaha suuqa la deriska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.