Maalmihii la soo dhaafay Websityada Soomaalida qaarkood iyo Baraha bulshada waxaa lagu faafiyay warar sheegaya in Xildhibaanad ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ay mar qura wada guursatay saddex nin arintaasoo dad badan ka yaabisay.
Xildhibaanad Hudda Axmed Cali oo dhibane u aheyd warkan laga faafiyay ayaa shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in aysan waxbo ka jirin warkaasi, waxayna tilmaantay in dacaayadaasi beenta ah ay ka faafiyeen dad ay garaneyso oo doonaya in sumcadeeda xumeeyaan.
Waxa ay sheegtay Xildhibaanada in ay aad uga xuntahay in xumaan intaas la eg iyo been sumcadeeda wax loogu dhimayo laga faafiyo, waxa ayna xustay in ay taqaan qofka ka dambeeya dacaayadaasi iyadaa laga faafiyay.
Xildhibaanad Huda Axmed Cali ayaa sheegtay in oday dhaqameedka beesheeda ugu jira 135-ta Oday uu ka dambeeyay dacaayada laga faafiyay ka dib markii uu weydiistay lacago baad ah, waxayna sheegtay inuu doonayo in kursiga ay ku fadhiso ay weyso kadibna uu ka iibsado kursigaasi dad kale.
Caaqil Mustafa Caarshe Axmed oo ka mid ah waxgaradka beesha ay ka soo jeedo xildhibaanad Hudda iyo C/casiis Saleebaan Ismaaciil oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo iyana shirkaas jaraaid ka hadlay ayaa sheegaya in wararka laga faafiyey xildhibanada ay yihiin been abuur caqliga ka baxsan, waxayna sheegeen in oday dhaqameedka beentan faafiyey uu horey ugu caan baxay falalkan, uuna dhibaato noocaas ah ugu geystay xildhibaano hore oo wasiiro u ka mid ahaa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0