Home Afsomali Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka oo shir u soo Xidhay Mareeyasha Garoomada Dalka...

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka oo shir u soo Xidhay Mareeyasha Garoomada Dalka Oo Muqdiaho uga socday.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka oo shir u soo Xidhay Mareeyasha Garoomada Dalka Oo Muqdiaho uga socday.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawda Xukuumadda Faderalka Somalia Mudane Prof: Ahmed Jama Omar ayaa maanta Muqdisho ugu soo xidhay shir uga socday Garoonka Aden cade International Airport 5 Maalmood maareeyayaasha Garoomada diyaaradaha Dowlad Goboleedyada kala ah Puntland, Galmudug, Hirshabelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaana looga hadlayey inta uu socday baahiyaha Garoomadaasi iyo sida wax looga qaban karo dhinaca ammaanka iyo hormarinta.

Wasiira Kuxigeenka Wasaaradda oo hadal Koban ka jeediyey Madasha Shirka ayaa kula dar-daarmay Mareeyasha In la meelmariyo Qorshayaasha Wadashaqayneed ee hortabinta uleh ee lagu balamay intii uu shirku socday.

Waxaana kulanka Joogay, Mareeyaha Hay’adda Duulista Axmed maclin Xasan, Mareeye Kuxigeenka Hay’ada Abdiwali Gadhyare, Mareeyaha Garoonka Aden Cade international Airport Mohamed siciid iyo mareeyaasha kale ee ka socday Dawlada Goboleedyada Dalka.

Mohamed abdi Faradheere
Madaxa Qaybta Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.