Home Afsomali Shir laga yeeshay Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Shir laga yeeshay Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Sidoo kale Saraakiisha Xarunta ayaa  lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaa   22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.