Home Afsomali Howlgallo dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Howlgallo dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo qabtay dad lagu eedeeyay inay geysteen falal kala duwan.

Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka banaadir gaar ahaan saldhiga Booliiska dharkeynley ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane fal dil u geystay wiil yar eedeysanaha waxa uu ka tirsan yahay ciidanka xooga dalka, waxaana Boolisku ay sheegeen in la hor geyn doono caddaalada

Dhinaca kale taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan saldhiga Booliiska wadajir ayaa gacan kusoo dhigay eedeysane kamid ah ciyaal weerada degmadaas, kaas oo watay Tooreey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.