Home Afsomali Barahuut ceelka ugu khatarta badan Ifka.Wali ma maqashay Adigu ?

Barahuut ceelka ugu khatarta badan Ifka.Wali ma maqashay Adigu ?

Ceelkii gunta Jahannaba(بئر قعر جهنم)

Ceelka ugu cabsida badan meeraha dhulka,mid ay ku duugan yihiin siro badan,mid jiray abuuristii basharka ka hor.
Ceel la sheegay inay Shayaadiini qodeen,si uu xabsi ugu noqdo qayb kamida jinka, kuwo kale ayaa sheegay inay qodeen Noolihii Xinni iyo Binni, oo ahaa nooleyaal noolaa bilowgii basharka iyo Jinka.
Ceel ay isku dayeen cilmi baaadhayaal boqolaal jeer in ay wax ka ogaadan, isku daygoodiina uu kusoo dhamaaday guuldaro, oo tobanaan cilmi baadhe u noqday Qabri.
Ceelkani wuxuu noqday mid ay cabsida iyo naxdintu kasoo burqato, wuxu ka halis badan yahay saddex-geesoodka Barmuuda iyo Kaymaha halista ah ee Jabaan. Ceelkaasi waa ceelka Barahuut (Yaman).

Ceelkani waa mid ay ka soo baxaan dhawaaqyo iyo codad ,sawaxan iyo guux uu jidhku la dubaaxinayo oo kasoo bullaamaya ceelka guntiisa hoose, markastoo loo soo dhowaado waxaa la arkaa ciid dhiig u eeg ,oo hareerihiisa daadsan,sheekooyin badan ayaa laga wariyaa ceelkan halista badan ,kuwo ayaa yidhi waxa qoday boqorrada Jinka,si ay ugu xidhaan kiisa amar diiddo ku sameeya. Kuwo kale yaa yidhi waxa qoday dawladii Ximyaariga,iyadoo u wakiilatay jinka si ay u qodaan,waxa lagu aasi jiray dahabkii ,Kunuustii iyo jawaahiirtii uu lahaa boqorkii dawladaasi,sidaasi ayaa loogu magacaabay ceelkii Barahuut,marka kelmada Barahuut la eego waxay afkii Ximyaariga ee hore ku noqonaysaa “dhulkii Jinka”, sidoo kale magacyo kale ayaa loo yaqaan sida “Ceelkii gunta Jahanaba”.

Yaman magaalada Xadra-mawd ayuu ku yaalaa ceelkani,ballaca afkiisu waa in ka badan 100meter, guntiisa hoose waa 300 meter,waana in ka dheer birta caanka ah ee (Eiffel Tower) iyo Ahraabta Masar.
Marka ay qorraxdu garabkeeda la soo baxdo waxay dadka u dhow ceelkani yeesheen inay kasoo baxaan,Haad aad u badan sida Feed-meer, Xamaam, iyo shinbiro waaweyn. Habeenkiina waxay ka maqlaan codad sida biyo shalwanaya ah, oo aanay waligood dhegahoodu maqal, waxayna dadkaasi aamisan yihiin inuu degen yahay Jin.

Wakhti kamid ah wakhtiyada wareega waxa la sheegaa inuu nin ceelka keligiis biyo u doontay xilli habeen ahayd ,wuxuu soo laabtay isagoo aan cidna la hadlayn,kadibna uu waashay ugu danbayntiina uu isdilay isagoo mayd ahna laga helay meel.
Ceelka Barahuut waxa lagu sheegay mid kamid ah Axaadiista Nebiga Scw;

“خَيرُ ماءٍ على وجْهِ الأرضِ ماءُ زَمْزَمَ ، فِيه طعامٌ من الطُّعْمِ ، و شِفاءٌ من السُّقْمِ ، و شَرُّ ماءٍ على وجهِ الأرضِ ماءُ بِوَادِي بَرَهُوتَ بِقُبَّةٍ بِحَضْرَمَوْتَ كَرِجْلِ الجَرادِ من الهَوامِّ ، تُصبِحُ تَتَدَفَّقُ و تُمسِي لا بِلالَ لَهَا”

Barahuut ceelka ugu khatarta badan Ifka.Wali ma maqashay Adigu ?

Share-dheh La wadaag asxaabtaada.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.