Home Afsomali Ciidamo cusub oo kusoo biiraya booliiska iyo kuwa Ilaalada Deegaanka oo la...

Ciidamo cusub oo kusoo biiraya booliiska iyo kuwa Ilaalada Deegaanka oo la diyaariyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

Xaruntan ay booqdeen taliyaha booliiska iyo guddoomiyaha gobolka waxaa ku xareesan cutubyo cusub oo dhawwaan kusoo biiraya ciidanka boliiska iyo ciidanka ilaalinta deegaanka ee dowladda hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay dugsiga sare iyo jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada booliiska iyo kuwa ilaalinta deegaanka ee dowladda hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda amniga iyo bilicda caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.