Home Afsomali Soomaalida Kenya oo ka cabanaysa dhibaato dhaqaale oo kasoo gaartay dibadbaxyada

Soomaalida Kenya oo ka cabanaysa dhibaato dhaqaale oo kasoo gaartay dibadbaxyada

Soomaalida ku nool ee magalaada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saameeyn ballaaran waxaa ku yeeshay banaanbaxyada kenya kajira dalkaas oo ay dhigayaan mucaaradka.

Gaadiidleyda Soomaalida ah ayaa sheegaya in dibadbaxdyada maalmahan kasoo cusboonaaday Kenya ay curyaamiyeen howlohoodii, isla markaana ay khasaareen lacago fara badan oo markii hore ay shaqeyn jireen.

Waxaa ay ugu baaqeen Soomaalida kale in aysan furin dukaamadooda inta ay jiraan dibaxyada, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto, lagana yaabo in la dhaco hantidooda.

Sidoo kale waxaa ay rajo xumo ka muujiyeen inay Shaqooyinkooda sii socdaan hadii ay joogsan waayaan dibadbaxyada, waxaayna dowladda Kenya ka dalbadeen inay xakameyso bannaanbaxyada.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.