Home Afsomali Golaha Wakiilada Somaliland oo Guddoomiye Cusub doortay

Golaha Wakiilada Somaliland oo Guddoomiye Cusub doortay

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa goordhow waxaa ay guddoomiyaha Golaha Wakiilada u doorteen Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) oo sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Arrimaha guddaha Soomaaliland.

Guddoomiye faratoon ayaa 64 Cod waxaa uu kaga guuleystay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamay, kaas oo helay 3 Cod, waxaana guddoomiyaha cusub uu bedelayaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo is casilay.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ( Faratoon) ayaa u mahad celiyay 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Somaliland oo goobta fadhiyay, isaga oo sheegay in uu si wanaagsan ugu Shaqeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.