Home Afsomali Sheekh Shariif oo kulamo xal raadin ah ka wada Shabeellaha Dhexe

Sheekh Shariif oo kulamo xal raadin ah ka wada Shabeellaha Dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir, xubno kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle, Guddoomiyaha Sh/ Dhexe iyo madax kale ayaa gaaray degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeelada dhexe, waxayna halkaas ay kulamo kula leeyihiin dhinac kamid ah beelaha dhowaan ku dagaalamay inta u dhaxeysa Cadale iyo Raage-Ceelle.

Mas’uuliyiintaan ayaa xalay sidaan oo kale degmada Raage-Ceelle kula soo kulmay odayaasha dhinaca kale ee qeybta ka ahaa colaaddii maalmahaan ka taagneed Shabeelada Dhexe.

Labada dhinac ayaa  waxaay ku dhawaaqeen xabad joojin, iyada oo wixii hadda ka dambeeyo la guda geli doono wadahadalada labada dhinaca ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.