Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Axmed Aadan Cali ayaa Booqday Dhaawacyada Ciidanka Xoogga ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka.
Taliyaha ayaa mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoona ka waraysatay xaladooda Caafimaad, waxana uu alle uga baryey caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale taliyaha ayaa hadal mahadcelin u jeediyey Dhakhatiirta isbitaalka Xoogga, waxana uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran Daryaalka Geesiyaasha Xoogga Dalka ee ku jira isbitaalka.
Dhaawacyadaan ayaa waxaa ay u badan yihiin Askartii ku dhaawacantay qarixii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad.