Cabdinuur Maxamed Farey oo kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka xoogan ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.
Farey oo u waramay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay ku jirto xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay is faham waaga ka dhashay doorashooyinka iyo dastuurka.
Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Farey ayaa intaasi kusii daray in aan la saadaalin karin halka uu ku dambeyn doono xalka Puntland, maadaama ay isku cakirran xaaladda maamulkaasi
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, taas oo ay sii hurisay tallaabadii ay shalay qaadeen xildhibaamada Golaha Wakiilada maamulkaas oo ansixiyay wax ka beddalka illaa 7 qodob oo kamid ah dastuurka.