Waxaa goordhaw gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi balaaran oo uu hoggaaminayay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo si kooban ula hadlay dadkii kala duwana ee soo dhaweeyay ayaa ugu horeyn kaga mahadceliyay soo dhaweynta balaaran oo ay u sameeyeen, isagoona sheegay in maalmahan uu ku sugnaan doono magaalada Baledweyne, islamarkaana wixii khilaaf ah oo Hiiraan ka jira dib la isaga warseesan doona.
Tagista Ugaaska Beesha Xawaadle ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo magaalada Baledweyne ay ka jirto xaalad siyaasadeed cakiran oo ka dhalatay xilka qaadistii madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe uu ku sameeyay guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo isna xilka qaadistiisii kadib Baledweyne uga dhawaaqay maamul la baxay Hiiraan State oo uu madaxweyne ka yahay.
Hayeeshee lama oga Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan sida uu ku dhameyn doono khilaafka culus ee ka taagan Baledweyne ee u dhaxeeya Hirshabeelle iyo maamulka la baxay Hiiraan State.