Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa howl abaabulan kusoo qabtay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu kufsi u geystay dhibane dumar ah. Warbixin laga helay dadka deegaanka ayaa lagu soo qabtay eedeysanaha oo ku dhuumaaleysanaayay xaafado kamid ah degmada Hodan.
Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.