Wararka imaanaya gobolada Galgaduud iyo shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo Hawlgal ay iska kaashanayaan Ciidamada Dawladaa Federaalka iyo kuwa degaanka .
Wararka ayaa sheehaya in Ciidanka Militariga Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ay ka wadaan dhulka Howdka ah ee ku yaala Ceel Bacad iyo Hilowle Gaab ee hoostaga Degmada Runirgood ee gobolka shabeelada Dhexe.
Hawlgalkan ay Ciidanka dawlada Federaalka ka sameeyanayaan degaanadaan ku yaala xadkala gobolka Galgaduud iyo shabeelada Dhexe ayaa ku soo aadaya Xilli Diyaarado ay Duqeeyeen shalay dhulka Hawdka ah ee degaanadaasi Halkaas ay saraakiisha Dawlada Federaalka Soomaliaya sheegeen in Fariisimo ay ku lahaayeen Xubno ka Tirsan Alshabaab lamana Oga khasaaraha ka dhashay Hawgalkaas balse Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay Hawgalkaas islamarkaana Yilmaamtay in Xubno ka Tirsan Alshabaab lala beegsaday duqayntaas.