Home Afsomali Ceel Shidaal oo Sabab u noqday in mar kale uu khilaaf soo...

Ceel Shidaal oo Sabab u noqday in mar kale uu khilaaf soo kala dhax galo Sacuudiga iyo Iran

Caqabad cusub ayaa la soo deristay heshiiskii ay gadh-wadeenka ka ahayd dawladda Shiinuhu ee la isugu soo dhoweeyey Iran iyo Sucuudiga, ka dib markii ay labada dal isku qabsadeen ceel shidaal oo ku yaalla Gacanka Persia.

Dalalka Sucuudiga iyo Kuwait ayaa si wada-jira u sheegtay ceel shidaal oo ku yaalla xeebaha al-Durra, halka dalka Iran ay dhinacooda ka sheegteen inay leeyihiin xuquuqda goobta ceelkaas laga helay, taas oo ay ku magcaabeen Arash.

Labada dhinac ayaa bishii March waxay Tehran ku yeesheen wadahadal arrintan la xidhiidha, hase ahaatee wax natiijo ah lagamada gaadhin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ee Iran Nasser Kanaani ayaa sheegay inaanu dalkiisu u dul-qaadan doonin in lagu xad-gudbo xuquuqdiisa, isaga oo taageerayey hadal uu hore u sheegay wasiirka shidaalka ee dalka Iran.

Wasiirka shidaalka ee Kuwait ayaa u sheegay telefiishanka Sky News Arabia toddobaadkii hore, in dalkiisu uu bilaabi doono qodista iyo soo saarka shidaalka, iyada oo aan la sugaynin in heshiis la gaadho.

Sucuudiga ayaa markaas wixii ka dambeeyey la saftay Kuwait, iyaga oo sheegay in labada dal ay leeyihiin goobta shidaalka laga helay, iyaga oo ugu baaqay Iran inay dib ugu soo laabato miiska wadahadalka.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.