Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna...

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya,Shane Dixon

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.
Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.