Home Afsomali Howlgal lagu dilay dagaalamayaal la tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud...

Howlgal lagu dilay dagaalamayaal la tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud facebook sharing button Sharetwitter sharing button Tweetlinkedin sharing button Sharemessenger sharing button Sharewhatsapp sharing button Shareemail sharing button Email

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada howlgalka Mareykanka ee AFRICOM ka sameeyeen aroornimadii hore ee saakay deegaan hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 5 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay goob ay ka wadeen kooxda abaabul xoogan.

“Howlgalka oo xilli hore oo saakay ah ka dhacay goob 35km Koofur bari uga beegan Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa  lagu dilay 5 dhagar qabe waxaana lagu burburiyey goob wayn  oo fariisin u ahayd khawaarijta isla markaana ay ka wadeen abaabul. Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Howlgalkaan aroornimadii hore ee saakay ka dhacay nawaaxiga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug uu ka socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.