Home Afsomali Deni oo lagu eedeeyey inuu iska daawanayo dhibaatada heysata reer Laascaanood

Deni oo lagu eedeeyey inuu iska daawanayo dhibaatada heysata reer Laascaanood

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka soo horjeeda Madaxweyne Deni ayaa si kulul u cambaareysay dilka abwaan Jaamac Kediye oo lagu dilay duqeyn ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood.

War-saxaafadeed

Madasha Siyaasadda Puntland waxay canbaareynaysaa xasuuqa joogtada ah ee maamulka Hargeysa ka wado magaalada Laascaano ee isugu jira duqayn iyo weeraro joogta ah.

Madashu waxay tacsi u diraysaa dhammaan umadda soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka, Maamulka iyo dhaqanka SSC-KHAATUMO duqayntii arxan la’aanta ahayd ee malashiiyaadka maamulka Hargeysa ku bar tilmaansadeen biri ma geydo uu ugu danbeeyay AUN Abwaan Jaamac Kediye.

Madashu waxaa ay eedayn u so jeedineysaa maamulka Puntland wakhtigiisu gabaabsiga yahay  inuu mudo dhawr bilooda ah uu isha ka eeganayo xasuuqa ka socda Laascaano ee uu geysanayo Muse Biixi.

Madashu waxaydhammaan dadka reer Puntland ugu baaqaysaa inay u dhaqaaqaan sidii looga kor qaadidi lahaa cadawga kor degen magaalada Laascaano.

Madashu waxaa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in aysan indhaha ka laaban xasuuqa, burburka iyo gaboodfalka ka baxsam bini’aadanimoda ee uu geysanayo maamulka Muse Biixi.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.