Home Afsomali Ciidamada dowladda oo howlgal ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo howlgal ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan ku buburiyay fariisimo Al-Shabaab ku laheyd degaano hoostaga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay dhulka howdka ah ee ku dhow Galcad iyo Ruunirgood, iyadoo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada godod waaweyn oo gambaad iyo difaacyo u ahaa  iyo waliba bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen.

Taliyaha hoggaaminaayay howlgaladaan ee guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Runirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen.

Dhulka howdka ah ee Nawaaxiga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa wali ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ku xoogan yihiin, waxaana halkaasi howlgalo ka dhan ah Shabaab si joogta ah uga sameeya ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.