Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga...

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.