Home Afsomali Booliska oo faah faahiyay weerarkii Kaxda iyo khasaaraha ka dhashay

Booliska oo faah faahiyay weerarkii Kaxda iyo khasaaraha ka dhashay

Xalay saqdii dhexe ayaa koox hubeysan oo ka tirsan Alshabaab waxay weerar abaabullan ku qaadeen saldhiga degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, halkaas oo muddaba ay rasaas isku waydaarsanayeen ciidamada amaanka.

Kooxda weerarka qaaday ayaa bilowgiiba isticmaalay gaari waxyaabaha qarxa laga soo rarray oo ay ku dhufteen saldhiga degmada, kaddibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinaca.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta degmada Kaxda ayaa sheegay in Ciidamada Boolisa Millataari ee ku sugnaa Kaxda ay iska caabiyeen weerarka, isa markaana khasaaro xoogan gaarsiiyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Kaxda ay ku dhinteen laba Askari oo katirsan Ciidamada iyo dhaawaca Saddex kale, halka dhanka Al-Shabaab ay gaareen dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena weerarkas ay ku burbureen Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe waxaa uu sheegay in ujeedka weerarka Al-Shabaab ee Kaxda uu ahaa inay iska jeediyaan weerarada iyo howlgallada culus ee uga socda Gobolada dalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.