Home Afsomali Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay...

Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Madaale ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay Dar-dargelinta Shaqooyinka Xafiiska

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay Dar-dargelinta Shaqooyinka Xafiiska Unuga Xalka Waara (DSU) oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Agaasimeyaal iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir
Agaasimaha Xafiiska Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU) Zainad Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dar-dargelin doonaan shaqooyinka xafiiska iyo ka dhabeynta Qorshaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ah sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.
Agaasime Zainab Axmed ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii barakacayaasha u heli lahaayeen Waxbarashada Farsamada Gacanta, Caafimaad, Shaqo Abuur, dib-u-dejin iyo in ay amni ku helaan goobaha ay dagan yihiin.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay sidii loo heli lahaa isku filnaashiyo ay gaaraan dadka Barakacayaasha,ayna noqdaan muwaadiniin ku nool dalkooda, taasina lagu gaari karo in laga taageero, Waxbarashada, loo sameeyo Shaqo Abuur, iyo inta jecel in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda la taageero.
–DHAMAAD–

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.