Home Afsomali SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO LOGA HADLAYO AMNIGA IYO XASILINTA DALKA AYA...

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO LOGA HADLAYO AMNIGA IYO XASILINTA DALKA AYA KA FURMAY DHUSAMAREB Dhusamareb

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO LOOGA HADLAYO AMNIGA IYO XASILINTA DALKA AYAA KA FURMAY DHUUSAMAREEB
Dhuusamareeb, Agoosto 26, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka oo maanta.
Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.
DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.