Hoggaamiye Kuxigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil oo ay weheliyaan Duqa Degmada Laascaanood Mudane Cabdirixiin Cali Ismaaciil, Xoghayaha Degmada Laascaanood Boos Dubbad Boos iyo Gudidda Caafimaadka ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hawl-Galladda Hay’adda ICRC, Cyril Juarena.
Hoggaamiye Kuxigeen Dr. Mohamed Abdi ayaa warbixin ka siiyey mas’uuliyiinta ICRC xaaladda guud ee deegaanka iyo maxaabiistii laga qabtay maleeshiyada Somaliland.
Madaxa Hawl-Gallada ICRC oo uga mahadceliyey Maamulka SSC-Khaatumo sida bani’aadamada leh ee ay ula dhaqmeen maxaabiista ayaa aqbalay in ay taageero u fidin doonaan maxaabiista xiran iyo kuwa dhaawaca ah. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in ay gacan ka geysan doonaan baahida guud ee deegaanada SSC-Khaatumo, gaar ahaan dhinaca caafimaadka iyo biyaha.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.