
Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo bandhigay Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa degaanka, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Cidamadaan oo loo diray degaano katirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa degmada Cadalle ka soo sagootiyay Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble iyo Khaliif Cabdullaahi Macalin Nuur, waxaana loogu talo galay inay Al-Shabaab ka saaraan degaano kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud.
Sareeye Gaas Sareeye Gaas Cali Caraaye Cosoble ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay hadda u diyaarsan yihiin sidii Al-Shabaab guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa, isla markaana dhankooda ay Ciidamada garab taagan yihiin.
Ciidamadaan laga sagootiyay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa looghu talo galay inay xorreeyaan degmooyinka, Ceeldheer, Galcad, Masagawaay iyo degaannada kale ee kuyaalla Bariga Gobolka Galgaduud.