Home Afsomali Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo dacwad ku soo oogtay Masuuliyiin hor leh

Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo dacwad ku soo oogtay Masuuliyiin hor leh

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay Eedda saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Masuuliyiintan oo gaaraya 7 xubnood ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa intaas ka dib soo saartay qoraal baafin ah oo loogu yeerayo eedeysanayaashan la soo eedeeyey loogu yeeray iney Maxkamada ku hor yimaadaan muddo 30 cisho ah si ay isaga difaacaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Maxkamada gobolka Banaadir ay ka socoto dhegeysiga dacwad loo heysto masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XEER ILALAINTA IYO MAXKAMADA G/BANAADIR


https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.