Home Afsomali Muuqaal Gudoomiye Maxameed Sheikh Cismaan Jawaari waxaan leenahay cadow dibada iyo mid...

Muuqaal Gudoomiye Maxameed Sheikh Cismaan Jawaari waxaan leenahay cadow dibada iyo mid gudaha ah

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo shir jaraa’id qabtay ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Jawaari ayaa shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay leedahay labada cadow oo ku kala sheegay shisheeye iyo cadow gudaha ah oo Soomaalida ka dhex shaqeynayo.

“Soomaaliya maanta waxa ay leedahay laba cadow oo kala ah cadow shisheeye oo noo tashtay, cadowga kalena waa kan gudaha, aadbaan uga xumahay in labada dhinac ee dagaalamaayo ay yihiin Soomaali” ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay doorka dowladda ee ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab, maadaama ay u dhaqaaqday xoreynta dalka.

Waxaa kale oo uu boggaadin u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah kacdoonka ka socda dalka ee la’isaga dul qaadayo kooxda Al-Shabaab

“Shacbigan kacay oo garab istaagay ciidankeena dagaalamayaa waa ku amaanan yihiin Soomaaliya markaan tii hore oo aad taqiineyn maaha way soo scday ” ayuu ku daray.

https://youtu.be/bN-1GRQwfvo

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.