Home Afsomali Xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Murusade oo u tagay ciidanka furumaha jooga

Xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Murusade oo u tagay ciidanka furumaha jooga

https://youtu.be/q8iUOW73928

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha Murusade ayaa booqasho dhiirogelin ah ugu tagay ciidamada beeshaasi ee ku sugan duleedka degmada Maxaas, halkaas oo ay ka wadaan abaabul dagaal.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa xildhibaannada warbixino ka siiyay xaalada ciidamada iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in mar kale dib ugu laabtaan deegaannada iyo degmooyinka beeshaasi degto ay ugu horeeyaa Wabxo iyo Ceelbuur.

Xildhibaannada ciidamada u tagay oo isugu jiray kuwa horey Maxaas iyo furumaha dagaalka ugu sugnaa iyo kuwa kale oo Muqdisho ka baxay ayaa muujinayay sida ay isugu xiran yihiin ayna uga mideysan yihiin howlgalka ku wajahan deegaannada beesha degto.

Ciidamada deegaanka ee kasoo jeeda beesha Murusade ayaa hadda ku sugan deegaanno ay kamid yihiin duleedka degmada Maxaas, waxa ayna ciidankan iyo kuwa dowladda oo wada abaabul ay doonayaan in ay ku duullaan dhulka ay Al Shabaab joogaan.

https://youtu.be/C7nBMeqww7Q

https://youtu.be/ghtlsVaIFa0

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.